muruq miiqle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muruq miiqle
m.l (-layaal, m.l/dh) (cilmiga naflayda) Muruq lagu xukumo rabitaan oo guud ahaanba ku dheggan qalfoofka. Muruqa keli ahi waxa uu ka koobanyahay rucub ah miiqyo muruq oo dheer, mid walibana wuxuu leeyahay bu'o badan, muruqa oo dhan waxa ku daboolan xuub nudo iskuxidhayaal adag oo midwaliba ku xidhanyahay dhammaadka lafta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muruqmiiqle
-ha: (magac, lab, keli) muruq lagu xukumo rabitaan oo guud ahaanba ku dheggan qalfoofka. Muruqa keli ahi waxa uu ka kooban yahay rucub ah miiqyo muruq oo dheer, mid walibana wuxuu leeyahay bu'o badan, muruqa oo dhan waxa ku daboolan xuub nudo iskuxidhayaal adag oo midwaliba ku xidhanyahay dhammaadka lafta.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Striated muscle
Muruq miiqle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muruq sisiban
m.l (-no, m.dh) (cilmiga naflayda) Muruq waxqabadkiisa aan la xukumi karin, xukunkiisu waxa uu hoos yimaadaa habdhiska dareenwadka dhexe. Muruq iraadla' oo ka kooban unugyo dhaadheer oo qaab toobin oo kale ah oo aan miiqnayn. Unugyadaas waxa loo helaa keli keli, kooxo ama waxay ku fidsanyihiin maqaarka, waxay ku wareegsanyihiin gummudka timaha, waxa kale oo laga helaa marinka dheefshiidka, marinka hawada, marin kaadi taranka iyo habdhiska wareegga dhiigga.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
muruq sisiban
m.l (-no, m.dh) (cilmiga naflayda) Muruq waxqabadkiisa aan la xukumi karin, xukunkiisu waxa uu hoos yimaadaa habdhiska dareenwadka dhexe. Muruq iraadla' oo ka kooban unugyo dhaadheer oo qaab toobin oo kale ah oo aan miiqnayn. Unugyadaas waxa loo helaa keli keli, kooxo ama waxay ku fidsanyihiin maqaarka, waxay ku wareegsanyihiin gummudka timaha, waxa kale oo laga helaa marinka dheefshiidka, marinka hawada, marin kaadi taranka iyo habdhiska wareegga dhiigga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muruqmaal
m.l Qof shaqaale ah oo aan farsamo gaar ah lahayn, kuna nool waxa ka soo baxa xooggiisa. la-mid: addinmaal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
muruqmaal
m.l Qof shaqaale ah oo aan farsamo gaar ah lahayn, kuna nool waxa ka soo baxa xooggiisa. la-mid: addinmaal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muruqmaal
v. labor, strive, use physical strength
muruqmaal vl. n. labor, manual labor
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
muruqmaal
-ka: (n) laborer (leey-ba-rar); manpower (meen paawar) ~ shaqaale
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muruqmaal
-ka: (magac, lab, keli) shaqaalaha hoose sida kuuliga iyo xammaaliinta. Muruqmaal miishaar fiican ha la siiyo. Dh: shaqaale, xoogsato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muluqmuluqlee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Muluqmuluq samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muluqmuluqlee
(fal) si nidaam darro ah oo muluqmuluq ah u socsoco. Dh: muluqmuluqlayn.